وَمِنَ ٱلْأَعْرَابِ مَن يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْءَاخِرِ وَيَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ قُرُبَٰتٍ عِندَ ٱللَّهِ وَصَلَوَٰتِ ٱلرَّسُولِ ۚ أَلَآ إِنَّهَا قُرْبَةٌۭ لَّهُمْ ۚ سَيُدْخِلُهُمُ ٱللَّهُ فِى رَحْمَتِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿٩٩﴾
Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista.