وَجَٰوَزْنَا بِبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْبَحْرَ فَأَتَوْا۟ عَلَىٰ قَوْمٍۢ يَعْكُفُونَ عَلَىٰٓ أَصْنَامٍۢ لَّهُمْ ۚ قَالُوا۟ يَٰمُوسَى ٱجْعَل لَّنَآ إِلَٰهًۭا كَمَا لَهُمْ ءَالِهَةٌۭ ۚ قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌۭ تَجْهَلُونَ ﴿١٣٨﴾
Waxaana Tallaabinay Banuu Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina.