وَلَئِنْ أَذَقْنَٰهُ رَحْمَةًۭ مِّنَّا مِنۢ بَعْدِ ضَرَّآءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِى وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةًۭ وَلَئِن رُّجِعْتُ إِلَىٰ رَبِّىٓ إِنَّ لِى عِندَهُۥ لَلْحُسْنَىٰ ۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنْ عَذَابٍ غَلِيظٍۢ ﴿٥٠﴾
Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay kadib, wuxuu dhahaa kan anaa iska leh mana u maleeynaayo inay Saacadda (qiyaame) kici, haddii layceliyo Eebahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu warranmeynaa kuwii Gaaloobey waxay camal faleen, waxaana dhabahaan u dhadhansiinaynaa Cadaab daran.