وَٱبْتَلُوا۟ ٱلْيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُوا۟ ٱلنِّكَاحَ فَإِنْ ءَانَسْتُم مِّنْهُمْ رُشْدًۭا فَٱدْفَعُوٓا۟ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ ۖ وَلَا تَأْكُلُوهَآ إِسْرَافًۭا وَبِدَارًا أَن يَكْبَرُوا۟ ۚ وَمَن كَانَ غَنِيًّۭا فَلْيَسْتَعْفِفْ ۖ وَمَن كَانَ فَقِيرًۭا فَلْيَأْكُلْ بِٱلْمَعْرُوفِ ۚ فَإِذَا دَفَعْتُمْ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ فَأَشْهِدُوا۟ عَلَيْهِمْ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبًۭا ﴿٦﴾
Imtixaamana Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa, waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye.