Somali

Surah Al-An'am ( The Cattle ) - Aya count 165
Share
Eebe waa ILaaha Samooyinka waxa ku Sugan iyo waxa Dhulka ku Sugan wuxuuna Ogyahay Qarsoodigiinna iyo Muujiskiinna, wuxuuna Ogyahay, waxaad kasbanaysaan.
Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta.
Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay wax tari).
Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ahi Korkiinna Wakiil (ILaaliye).
Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin.