Somali

Surah An-Najm ( The Star ) - Aya count 62
Share
Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).
Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).
Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).
Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).