Somali

Surah Hud - Aya count 123
Share
Erayga hore wuxuu ku Tusin Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa.
waxaana la yidhi dhulow Liq Biyahaaga Samooyna qaad (Jooji) waxaana la yareeyey «la gudhiyey» Biyihii waxaana la xukumay Amarkii waxayna Ku dul ekaatay Doontii Juudi waxaana la yidhi fogaansho haw sugnaato Qoomka Daalimiinta ah.
wuxuu u dhawaaqay (Baryey) Nabi Nuux Eebihiis wuxunna yidhi Eebow Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay Ehelkeyga Yaboohaaguna waa xaq (sugan)adaana xuk unkaagu falsanyahay.
wax kale kuguma dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada).
waxay ula yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi Ibraahim Bishaaro, waxayna dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi Salaam, kamana nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi la dubay (Hilibkiis).
wuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama u dumi tiir adag (waan idin ciqaabi lahaa).
sidii iyagoon ku nagaanin fogaansho (halaag) baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud (u halaagsantay).
waana sidaas qabashada Eebahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo (Dadkeed) oo dulmi fashay, qabashadiisuna way xanuun leedahay oy darantahay.
maalintuu Qiyaamuhu yimaaddo ma hadasho nafi idinka Eebe mooyee, waxaana ka mida dadka kuwo xun (Khasaaray) iyo kuwo liibaanay.